Author: mfa Somalia
-

Kalluumaysato Soomaaliyeed oo dib ula midoobay caa’iladooda mudo dheer kadib
Kadib 25 maalmood oo ay dooni yar kula jabtay Badweynta Hindiya, waxaa ugu dambayntii dalka dib ugu soo laabtay laba kaluumaysato Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamuud Cali iyo Sharmaake Nuur Cabdi Aadan, iyagoo qoysaskooda kula kulmay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Soo laabashadooda waxaa suuragaliyey marka koowaad Ilaahay iyo dadaalka hagar la’aanta ah…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ka qeyb galay shirarka Seddex geesoodka ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Faqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay kulankii labaad ee Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Masar iyo Eriteriya, kaasoo lagu qabtay magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, kadib casuumaad uu fidiyay Dr. Badr Abdel Atti, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, oo ka qeyb galay Shirka CAADP ee Midowga Afrika
asiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Danjire Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay Shirka CAADP ee Midowga Afrika oo looga hadlayay barnaamijka horumarinta Beeraha Afrika, oo socday intii u dhaxeysay 9-11 Janaayo 2025. Danjire Fiqi oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogtada ah ee WAD & IC Mudane Xamse Xaadow iyo Safiirka…
-

Soomaaliya oo Xaqiijisay Ka Go’naanta Iskaashiga Horumarinta Beeraha ee Afrika Iyadoo ka Qayb Qaadaneysa Shir Madaxeedka AU
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamza Haadow, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Kampala, Uganda, iyadoo ay ku soo dhoweysay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Fardowso Kanyare. Wafdiga Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Gaar ah ee Midowga Afrika ee…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo Wadahadallo la yeeshay Wafdiga Hindiya ee ku saabsan Xarunta Fududeynta Fiisaha ee Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa dhawaan kulan la qaatay wafdi ka socday Safaaradda Hindiya ee Nairobi si ay u xoojiyaan wadaxaajoodyada ku saabsan dhisidda xarunta fududeynta fiisaha oo laga hirgelinayo Muqdisho. Kulankan waxa uu daba socday shirar hore oo lagu dhameystirayay heshiiska u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya. Wadahadallada,…
-

Soomaaliya oo Si Rasmi ah Ugu Fariisatay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay maanta, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u ahayd bilowga shaqada Soomaaliya ee golahaasi.Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Xirmo Buugaag ah Ku Wareejiyey Maktabadda Machadka Diblomaasiyadda
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa maanta ku wareejiyey maktabadda Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda xirmo buugaag ah oo uu maktabadda soo gaarsiiyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Amb. Daahir Xasan Carab. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Danjire Daahir Carab hadiyaddan qiimaha badan, isagoo ku tilmaamay mid wax weyn ku…
-

Shirkii 4-aad ee Soo-Noqdayaasha Qurbajoogta Soomaaliyeed
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ministry of Foreign Affairs of Somalia ayaa si guul leh u martigelisay Shirkii 4-aad ee Soo-Noqdayaasha Qurbajoogta Soomaaliyeed maanta oo ka dhacay #Muqdisho. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-xigeenka Isaak Mohamud Mursal iyo Xoghayaha Joogtada ah Hamza Adan Haadoow, kuwaas oo carrabka ku adkeeyay kaalinta…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Wadahadal khadka Taleefanka ah la Yeeshay Dhigiisa DRC
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa wada hadal wax ku ool ah khadka telefoonka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Thérèse Kayikwamba Wagner. Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo DRC, kor u qaadista iskaashiga dhinacyo kala duwan, iyo…
-

Xoojinta Xiriirka Laba Geesoodka ah: Soomaaliya iyo Masar oo Ku Heshiiyay Iskaashi Istiraatiiji ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Dr. Badr Abdel Aty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, oo ka dhacay magaalada Qaahira. Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka…