Author: mfa Somalia
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa saakay la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha ee Geeska Afrika
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa saakay soo dhoweeyay Mudane Danjire Xue Bing, Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha ee Geeska Afrika, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha. Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa adkeeyay taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ee siyaasadda **Hal China**, wuxuuna bogaadiyay sida Shiinuhu u ixtiraamo madax-bannaanida,…
-

Soomaaliya iyo Tansaaniya oo Xoojinaya Xiriirkooda Ka Hor Saxiixa Heshiiska Is-Afgaradka
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Hamza Haadow , oo ay wehliyaan Agaasimaha Waaxda Afrika, Cabdulkadir Maxamuud Yuusuf (Burgal), iyo Safiirka Soomaaliya ee Tansaaniya, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ayaa casho sharaf rasmi ah u sameeyay Kooxda Farsamada Dowladda Tansaaniya ee booqashada ku joogta Muqdisho. Cashada oo lagu gogol xaadhayay munaasabadda…
-

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa ka qaybgalay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyey ergeyga gaarka ah ee Dalka Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku soo gaaray Soomaaliya
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa ka qaybgalay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyey ergeyga gaarka ah ee Dalka Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku soo gaaray Soomaaliya. Wasiir kuxigeenka ayaa Dawlada Shiinaha uga mahadceliyey dadaalka ay ugu jirto xoojinta…
-

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Salah Ahmed Jama Ayaa Booqday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Salah Ahmed Jama ayaa booqday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, halkaas oo uu ku amaanay shaqaalaha Wasaaradda soo bandhigida warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo sumcadda dalka ee caalamka. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenku wuxuu bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee Wasaaradda ay ku leedahay horumarinta siyaasadda arrimaha…
-

WAD & IC oo Wadatashi la yeelatay daneeyayaasha Caalamiga ah ee Isbadalka Qaran ee Soomaaliya (NTP) 2025-2029
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , ayaa Kulan wadatashi ah la yeelatay Qaar kamid ah Daneeyayaasha Caalamiga ah ee Qorshaha Isbadalka Qaran ee Soomaaliya. Xogahaya Joogtada ee Wasaaradda Mudane Xamse Xaadow ayaa ka warbixiyay aragtida Wasaaradda ee ku aaddan istiraatijiyadda horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, si loo xoojiyo diblomaasiyadda iyo iskaashiga Caalamiga. Xoghayaha…
-

Dib-u-Celinta Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Lagu Xiray Suudaan. 9 Diseembar, 2024
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo uu hoggaaminayo Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si guul leh u suuragelisay dib-u-celinta 22 muwaadin Soomaaliyeed oo lagu xiray Suudaan, kadib markii lagu qabtay iyagoo isku dayaya inay socdaal sharci-darro ah sameeyaan. Shaqsiyaadkaasi oo ka kooban 17 wiil dhalinyaro ah iyo 5 hablood dhalinyaro ah, ayaa muddo…
-

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib Ahaa oo Laga Sii Daayay Suudaan. Portsudan, 8 Diseembar 2024
Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Portsudan, Mudane Axmed Suudaani, ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyey dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif. Dhalinyaradan oo tiradoodu tahay 22 (17 wiilal ah iyo 5 gabdhood) ayaa lagu qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah. Sii…
-

Xogahaya joogtada WAD & IC Oo La Kulmay Madaxa Hay’adda IOM Muqdisho, Diseembar 8, 2024
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Aadan Xaadoow, ayaa kulan Muhiim ah la qaadatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira, iyagoo ka wada hadlay Socdaalka joogtada ahayn iyo saameyntiisa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha tahriibka…
-

Soo-celinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku Xayirnaa Madagascar iyo Dadaallada Lagula Dagaallamayo Tahriibka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guul leh u soo celisay 47 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Madagascar, iyada oo adeegsanaysa diyaarad gaar ah oo si shaqsi ah uu u oggolaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Tallaabadan ayaa muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta iyo difaaca muwaadiniinteeda meel kasta oo…
-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo fududeysay dib usoo celinta 161 dhalinyaro Soomaaliyeed ah laga soo celiyay dalka Liibiya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR). Muwaadiniita dalka dib ugu soo laabatay ayaa 74 kamid ah…