Category: Blog
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo maanta daah-furay barnaamijyo luuqadeed oo sare loogu qaadayo tayada diblomaasiyiinta
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay koorsooyin lagu baranayo afafka Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Amxaariga oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda, ayna ka faaidaysan doonaan 70 shaqaale oo ka kala tirsan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda. Wasiir Fiqi ayaa…
-

Guddiyo uu magacaabay Wasiir Axmed Fiqi oo shaqo-galay maanta
Muqdisho (MFA Somalia) – Kulan kii ugu horreeyay ee ay iskugu yimaadeen maanta labo guddi oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, uu u xilsaarray dib u habaynta xarunta Wasaaradda iyo Ergooyinkeeda Dibadda ayaa waxaa furay Xoghayaha Joogtada, Mudane Xamsa Aadan Xaadow. Xaadow ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiyada inay…
-

Soomaaliya mowqifkeedu waa hal mid oo aan marnaba aqbalayn “ku qabso, ku qadi mayside”
Soomaaliya mowqifkeedu waa hal mid oo aan marnaba aqbalayn “ku qabso, ku qadi mayside” Danjire Axmed Macallim Fiqi Axmed Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay Turkiga si ay uga qeybgalaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya
Muqdisho (MFA Somalia) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo ah Sabti u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara. Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo…
-

Tacsi Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe
Muqdisho (MFA Somalia)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, Wasiiru dowlaha Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, Wasiir kuxigeenka Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal , Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda…
-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si heer sare ah uga qeybgashay maanta olollaha cambaaraynta ficillada guracan ee Khawarijta
Muqdisho (MFA Somalia)- Xoghayaha joogta, Agaasimayaasha waaxyaha iyo howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo Isniin ah ka qeybgalay dibadbax ka dhacay Xeebta Liido ee caasimadda Muqdisho, kaasoo hay’adaha dowladda iyo bulshada gobolka Banaadir ay ku cambaareeyeen weerarkii khawaariijta ay ku xasuuqeen dad rayid ah oo nasiinno ku qaadanayay habeenkii Jimcaha (2…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda , si loo gaaro qaab-dhismeed horseedaya isbeddel lagu horumariyo howl-qabadka Wasaaradda, iyadoo loo marayo iskuduwid waxtar leh iyo hindisayaal istiraatijiyadeed. Wasiirka…
-

Wasiir Axmed Fiqi oo shirguddoomiyay kulan sare loogu qaadayo waxqabadka waaxyaha iyo iskuduwidda istiraatiijiyadeed
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah shirguddoomiyay kulan ay ka qeybgaleen Xoghayaha Joogtada iyo 16 agaasime waaxeed ee Wasaaradda oo lagaga hadlay sare u qaadidda waxqabadka iyo ka guul keenidda waxyaabaha mudnaanta u leh siyaasadda dibadda iyadoo loo marayo iskuduwid…
-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud Muqdisho (MFA Somalia) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo ah Sabti, kulan duco ah u qabatay Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud , oo xilalka Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha ka soo kala qabtay Dawladihii milatariga iyo kuwii…
-

Soomaaliya iyo Masar oo sii adkeeyay xiriirka u dhexeeya iyaga oo bilaabay khad duulimaad toos ah
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Jimce ah ku soo dhoweeyay Muqdisho dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, si loo daah-furo si rasmi ah khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, taasi…