Category: Blog
-

War-Saxaafadeed: Soomaaliya oo Aad Uga Walwalsan Shixnad Hub
Muqdisho, (MFA Somalia) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan u aragtaa mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya,…
-

Madaxweynaha Dalka Mareykanka, H.E Joe Biden, ayaa waxa uu Aqalka Cad kaga Gudoomay
Washington, 20 September, 2024 – Madaxweynaha Dalka Mareykanka, H.E Joe Biden, ayaa waxa uu Aqalka Cad kaga Gudoomay warqadihiisa aqoonsiga, Safiirka cusub ee Soomaaliya dhawaan u magacawday Dalka Mareykanka, Danjire Daahir Xasan. Safiirka ayaa waxa uu Madaxweyne Biden u gudbiyay dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha J.F.S, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo…
-

Wasiir Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Jaaliyadda
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiir Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Holland iyo wafdigiisa. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga udhaxeeya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay muujisay diyaar garow buuxa oo ku aaddan difaaca badda Soomaaliya iyo ladagaalanka argagixisada…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ka qayb galay xafladda daah-furka Golaha Safiirada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
Muqdisho, (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ka qayb galay xafladda daah furka Golaha Safiirada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah Safiirada Dalalka Jaamacadda Carabta ee u jooga Soomaaliya. wasiirku ayaa mahad naq u jeediyay Danjire…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya
Muqdishu (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Jamhuuriya tababarka la xiriira xirfadda culuumta kombiyuutarka oo ay jaamacaddu taabbagelisay, ka faa’iideysteenna qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda. Ujeedka tababarka ayaa ahaa in sare loo…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mike Nithavrianakis, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliso Mrs. Alison Blackbourne, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Badda Cas iyo Geeska Afrika. Intii uu socday kulanka, waxaa…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Shir Guddoomiyay Doorashada Guddiga Goob Shaqo ee Wasaaradda
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay shirka Doorashada Guddiga Goob Shaqo ee ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Doorashadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa gacan ka geystay xubno ka socda Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka iyo Agaasinka Waaxda Shaqada…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Ku soo dhaweeyay
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Ku soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde, Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Xog-hayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu, wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda sare Dalka. Ujeedka safarka ee Dr. Workneh Gebeyahu Xog-hayaha Urur Goboleedka IGAD, ayaa waxa…
-

Qaahira, 11 September, 2024 –
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Booqasho kormeer ah ku tagay Safaaradda J.F.S ee Caasimadda Qaahira, Wasiirka ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee baaxadda leh ee Safaaraddu u hayso Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wasiirku waxaa uu kulan wadareed la qaatay Diblomaasiyiinta iyo howl wadeennada kale ee Safaaradda, isagoo warbixin dhinacya…
-

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah *War Saxaafadeed*
Guddiga Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Carabta oo xaqiijiyey taageerada xooggan ee Qaranimada Soomaaliya Qaahira, – Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira,…