Category: Blog
-

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo shir-guddoomiyay kulan wadatashi heer Wasaaradeed
Muqdisho (MFA Somalia) – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan wadatashi oo ku saabsan ka qeybgalka Soomaaliya ee Shir-madaxeedka Shiinaha iyo Afrika ee lagu wado inuu qabsoomo 3-8 September. Kulanka wadatashiga oo ay ka soo qeybgaleen Cabdi Diirshe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha…
-

Tacsi , Wasiir hore Maxamed Cali Xaamud
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, Wasiiru dowlaha Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, Wasiir kuxigeenka Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal , Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo…
-

Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay Wuufuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wadahadlo xiisadda taagan
Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay Dawladda soomaaliya meel adag ka taagantahay qaddiyadda la xiriirta ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga. Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta caqabadaha gobolka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya. Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay dhiggiisa Masar ballaarinta iskaashi wadaagga
Cairo, – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah, kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee…
-

Wasiir Fiqi oo shirguddoomiyay kulan xog is-weydaarsi oo dhexmaray Wasaaraddiisa iyo SODMA
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa shir-guddoomiyay kulan xog isweydaarsi oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin, howlwadeenno iyo lataliyaal ka socday hay’addaasi iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda. Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay hindisayaasha iskaashiga Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Muqdisho (MFA Somalia)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway, oo uu kala hadlay sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka…
-

Soomaaliya iyo Guddi Qaramada Midoobay oo u billowday wadahadalka qorshaha kala guurka ee UNSOM
Muqdisho (MFA Somalia) – Kulan billow ah ayay shalay oo Sabti ahayd (22 June) iskugu yimaadeen Caasimadda Muqdisho Guddi farsamo oo kala matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo lagaga xaajonayay qorshaha kala guurka ee UNSOM, si loo suurageliyo unkidda xafiis Q.M ay ku yeelato dalka oo la mid…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xiriirka labo geesoodka kala hadlay Siihayaha Safaaradda Shiinaha
Muqdisho, June 20, 2024 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Chen Wendi, oo uu kala hadlay hindiseyaal istiraatiijiyadeed oo kala duwan si loo xoojiyo xiriirka iyo…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley . Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard…