Author: mfa Somalia
-

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta ee UK, Md Anneliese Dodds
Wasiir Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta ee UK, Md Anneliese Dodds, Kulanka #UNGA79, iyaga oo ka wada Hadlay iskaashiga Somalia iyo UK, xaaladda kala guurka ATMIS, iyo xiriirka labada dal #Soomaaliya #Deplomacy
-

Wasiir Fiqi ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya Dr. Jaishankar
Wasiir Fiqi ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya Dr. Jaishankar intii lagu jiray #UNGA79, waxayna ka wada hadleen furitaanka qunsuliyad Muqdisho iyo xoojinta xiriirka labada dal. #UNGA79
-

“Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa u hambalyeeyay WAD Slovenia Tanja Fajon guushiisii madaxtinimada UNSC
“Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa u hambalyeeyay WAD Slovenia Tanja Fajon guushiisii madaxtinimada UNSC, ugana mahadceliyay taageerada ay siisay Soomaaliya. Slovenia waxay xaqiijisay madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somalia. #Slovenia”
-

“Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Moallim Fiqi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 40-aad
“Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Moallim Fiqi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 40-aad ee ku biirista Brunei Darussalam ee Qaramada Midoobay. Munaasabadda oo uu martigeliyey Boqor Xassanal Boolkiyah ayaa ka dhacday New York, intii lagu guda jiray shirkii #UNGA79.”
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Moalim Fiqi, ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Moalim Fiqi, ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL, Jürgen Stock, si loo xoojiyo doorka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah iyo argagixisada. Soomaaliya, oo ah difaac koowaad, ayaa door muhiim ah ka ciyaarta ka hortagga in khatarahan ay ku fidaan gobolka iyo caalamka intiisa…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa kulan doceed la yeeshay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa kulan doceed la yeeshay Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, intii lagu guda jiray #UNGA79, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga gobolka, nabadda, amniga, iyo caqabadaha Geeska Afrika.
-

Danjire Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa la kulmay
Danjire Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa la kulmay Madaxa xafiiska fulinta ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka argagixisada, si loo xoojiyo ka hortagga argagixisada iyo xagjirnimada. Isagoo sheegay horumarka ay Somaaliya ka gaartay La dagaalanka argagixisada, Xafiiska Fulinta ee Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Argagaxisada ayaa ballan qaaday in uu Soomaliya siin doono taageero dheeraad…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeyb galay shirkii NAM
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeyb galay shirkii NAM ee #UNGA oo diiradda lagu saaray xaaladda Gaza, isagoo taageeray xalka laba dowladood. #Somalia
-

Madaxweynaha Dalka Faransiiska, Emanuel Macron ayaa ka gudoomay waraaqadaha aqoonsiga
Madaxweynaha Dalka Faransiiska, Emanuel Macron ayaa ka gudoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjire Mohamed Ali Nur, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Faransiiska.
-

War-Saxaafadeed: Soomaaliya oo Aad Uga Walwalsan Shixnad Hub
Muqdisho, (MFA Somalia) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan u aragtaa mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya,…