Author: mfa Somalia
-

Shir madaxeedka Ururka Islaamka oo taageerray Qarannimada Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada
Banjul – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay Khamiista kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ay ugu gogol-xaarayaan Meertada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka oo ay martigelinayso Caasimadda Gambia ee Banjul, waxaana kulanka heer Wasiir uu socday intii u dhexeysay 2-3 May, isaga oo huwan hal-ku-dhigga (Xoojinta midnimada iyo…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qeybgalaya Magaalada Banjul Kulanka loogu gogol-xaarayo Shir madaxeedka Islaamka
Banjul – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Khamiis ah ka qeybgalaya kulanka loogu gogol xaarayo Meertada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka oo ay martigelinayso Caasimadda dalka Gambia ee Banjul, iyadoo kulanka gogol-xaarku socon doono labo cisho oo kala ah 2-3 May, isaga oo huwan hal-ku-dhigga (Xoojinta…
-

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Masar qoto-dheeraynta Iskaashiga labo geesoodka
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Al-Saeed Ahmed Albaz, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta siyaabaha lagu…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Fiqi oo qaabilay Madaxa Ergada IGAD
Muqdisho (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay Madaxa Ergada IGAD u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Axmed, oo booqasho sharafeed ugu yimid. Mudane Maxamuud waxa uu gudbiyay fariin hambalyo ah oo uu ka…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Imaaraatka siyaabaha lagu xoojin karo iskaashi wadaagga
Muqdisho (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, Ahmad Juma Al Rumaithi, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku dhawaaqay hindise lagu casriyaynayo howlaha Wasaaradda
Muqdisho, (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah shir-guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadaan Xoghayaha Joogtada iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda oo diiradda lagu saaray isbedello istiraatiijiyadeed oo ujeedkeedu yahay hagaajinta iyo dardargelinta shaqada. Intii lagu guda-jiray kulanka, Waxa uu Wasiir Fiqi faray fulinta qorsheyaal…
-
War saxaafadeed: Soomaaliya oo soo dhawaysay war murtiyeedka G7
Muqdisho (MFA Somalia) – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go’an tahay G7 horumarinta…
-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sagootisay Wasiirkeedii hore Axmed Macallin Fiqi
Muqdisho (MFA Somalia) — Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa xalay xaflad casho ah ku sagootisay Wasiirkeedii hore, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi. Wasiir Fiqi ayaa banneeyay xilka Wasaaraddaasi kadib isku-shaandhayn kooban oo Golaha Wasiirrada lagu sameeyay 7 bisha April, isaga oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga. Xafladda cashada…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay qoto-dheeraynta Iskaashiga labo geesoodka Siihayaha Safaaradda Shiinaha
Muqdisho (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Chen Wendi, oo ugu yimid booqasho sharafeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee saaxiibada…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo arrimo ku saabsan siyaasadda iyo ammaanka kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobey
Muqdisho (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing, oo uu kala hadlay dhowr arrimood…