Author: mfa Somalia
-

Wasiir Fiqi oo xilkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ku wareejiyay Wasiir Cali Yuusuf
Muqdisho (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah xilkii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ku wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaraddaasi ay ku leedahay Caasimadda Muqdisho oo uu goob-joog…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Turkiga oo booqasho sharafeed ugu yimid
Muqdisho (MFA somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga aanu walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ugu yimid. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Finland ee geeska Afrika xoojinta xiriirka labada dal
Muqdisho (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Ergeyga gaarka ee dhexdhexaadinta Nabadda Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Mudane Suldaan Saciid Axmed, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada…
-

Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay maanta xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda
Muqdisho, (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah maanta oo Sabti ah ugala wareegay xilka Wasaaradda, Siihayihii hore ee Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, kadib munaasabad lagu qabtay dhismaha Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho. Xafladda xil…
-

Danjire Axmed Fiqi oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda
Muqdisho (MFA Somalia) – Waxaa inoo farxad ah inaan shaacinno in Danjire Axmed Macallin Fiqi loo magacaabay maanta xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kadib wareegto magacaabid ee uu soo saaray Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre. Nala soo dhoweeya Wasiir Fiqi oo dhowaan la wareegi doona xilkani muhiimka ah.…