Author: mfa Somalia
-

Wasiir Axmed Fiqi oo soo bandhigay nidaam cusub oo dhejitaal ah si sare loogu qaado wax-qabadka Wasaaradda
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daaha ka qaaday nidaam cusub oo “degital” ah oo howlaha Wasaaradda lagu casriyaynayo, isagoo sheegay in nidaamka uu kordhin doono wax-qabadka, hufnaanta shaqada, bixinta adeegyada iyo sidoo kale la socodka iyo raad-raaca. Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Yemen oo booqasho sharafeed ugu yimid
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fadal Ali Ahmed Alhanik, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta siyaabaaha iskaashi oo…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Ruushka
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka “ma degane” Ruushka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mikhail Golovanov, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo khuseeya amniga, bulshada iyo bani’aadantinimada. Kulanka ayaa intii…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo shir-madaxeedka carbeed ee Manama
Manama (MFS Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah kaga qeybgalay Magaalada Manama ee Caasimadda Boqortooyada Baxreen, Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Golaha Jaamacadda Carabta oo gogol-xaar u ah Shir madaxeedka Carbeed, meertadiisa caadiga ah ee 33aad. Wasiir Fiqi ayaa inta uu kulanka…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku hoggaaminaya Wasaaradda hannaan casriayn ah
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda oo lagu soo bandhigay hannaan lagu casriyaynayo, loogagana dhigayo hab “degital” ah howlaheeda kala duwan. Hannaankan ayaa suuragalinaya in Wasaaraddu ka dhabayso hiigsigeeda qaran, laguna maareeyo adeegyada ay bixiso, laguna hubiyo hufnaanta shaqo.
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xiriirka labo geesoodka Safiirka Qatar
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Qatar ee walaalaha aan nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ugu yimid. Intii lagu guda-jiray booqashada…
-

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Bankiga IBS oo qabsoomidda shirka maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed gacan ka geystay
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta soo xiray Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Caasimadda Muqdisho, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, baarlamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah. Wasiir-kuxigeenka ayaa shahaado mahadnaq ah guddoonsiiyay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku booriyay Qurbo-joogta in ay kobciyaan dhaqaalaha, khibraddoodana dalka uga faaideeyaan
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal uu ka jeediyay Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay maanta Caasimadda Muqdisho, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, baarlamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah, ayaa sheegay in qurbo-joogtu yihiin halbowlaha nololeed ee qoysas badan iyo…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shir madaxeedka Afrika ee bacriminta iyo caafimad-qabka ciidda si loo horumariyo beeraha
Nairobi – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo ka wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kaga qeybgalay maanta oo Khamiis ah Magaalada Nairobi, shir madaxeedka Afrika ee bacriminta iyo caafimad-qabka ciidda, isaga oo caddeeyay muhiimadda ay leedahay ka faaidaysiga ciidda ku habboon beerashada si loo gaaro isku-filnaansho dhanka…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay dhiggiisa Muritaaniya xoojinta xiriirka labo geesoodka
Banjul – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Khamiista kulan doceed la yeeshay intii lagu guda-jiray kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ay ugu gogol-xaarayeen Meertada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka ee ay martigelinayso Caasimadda Gambia ee Banjul, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, iskaashiga iyo Qurbo-joogta Muritaaniya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Muritaaniya,…