Category: Wararka Wasaaradda
-

Xoojinta Xiriirka Laba Geesoodka ah: Soomaaliya iyo Masar oo Ku Heshiiyay Iskaashi Istiraatiiji ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Dr. Badr Abdel Aty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, oo ka dhacay magaalada Qaahira. Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka…
-

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay Cambaaraynaysaa Falka Xadgudubka ah ee Ciidamada Itoobiya ka Geysteen Magaalada Doolow
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya. Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo. Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan…
-

Wafdi ka socda Dawladda Soomaaliya oo Maanta u tagaya Addis Ababa sii ambaqaadista Heshiiskii Ankara
Wafdi ka socda Dawladda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Balcad, ayaa maanta gaaraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, si ay u sii ambaqaadaan heshiiskii Ankara ee dhexmaray madaxda labada dal. Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya. Dawladda Soomaaliya waxaa…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wada-hadallo Rasmi ah kula leh Dhiggiisa Masar magaalada Qaahira
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, oo shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa wada-hadallo rasmi ah halkaas kula leh dhiggiisa dalka Masar, Mudane Badar Cabdilati. Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga,…
-

Xoojinta Xiriirka Dhexmaraya Soomaaliya iyo Tansaaniya
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moallim Fiqi , oo ay weheliyaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska, Daud Aweis , iyo Danjiraha Soomaaliya ee Tansaaniya, Danjire Amb Ilyas Ali Hassan , ayaa si qiiro leh u sagootiyey wafdigii sharafta lahaa ee Tansaaniya ee soo booqday Soomaaliya. Wafdiga Tansaaniya oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya,…
-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Casho sharaf ku Maamuustay Xubnihii kaqeyb qaatay Soodhaweynta Wafdiga Tansaaniya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku maamuustay casho-sharaf mahadcelin ah oo Teamkii ka qeyb qaatay Soodhaweynta Wafdi heer sare ah oo ka socday Dawladda Tansaaniya, Wafdiga oo qeyb ka ahaa heshiiskii saddexda maalmood socday ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Tanzania. Casho sharaftan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane…
-

Qunsulka Guud ee J.F.S ee Jeddah oo Nuqul kamid ah aqoosigiisa U gudbiyay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Gobolka Makka Al-Mukarrama
Danjire Dr. Cabdiwali Xirsi Cabdille, Qunsulka Guud ee Qunsuliyadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee Jeddah, ayaa si rasmi ah Nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga uga gudbiyay Mudane Farid Bin Said, Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Gobolka Makka Al-Mukarrama. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray kor u qaadista xiriirka labada Dal ee Soomaaliya…
-

Soomaaliya oo Martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casho sharaf u sameysay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Tanzania, iyadoo la xoojinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo sidii loo sahamin lahaa wadashaqeynta dhinacyada muhiimka ah. Munaasabadda ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda…
-

“Xoojinta Xiriirka Labada Dal ee Soomaaliya iyo Tanzania
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Tanzania, Danjire Maxamuud Thabit Kombo iyo Wafdi uu higaaminayo, Wafdiga waxaa ka mid ah Danjire Saciid Shaib Mussa oo ah ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania. Munaasabadda…
-

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub, Iyo IOM Oo Iska kaashaday Dib u soo celinta Muwaadiniin Soomaaliyeed
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, ayaa soo dhaweysay 147 Tahriibayaal Soomaali ah oo dib uga soo laabtay dalka Liibiya, iyadoo la raacayo hindise loogu magac daray dib u celinta bini’aadantinimada ee Voluntary Humanitarian Return (VHR). Diyaaradda ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaasoo…