Category: Wararka Wasaaradda
-

Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika oo qaabilay Safiirka Switzerland
Muqdisho – 03 December 2024. Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Yoonis Xaashi, ayaa xarunta Wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Switzerland ee JFS Mudane Mirko Guilietti. Danjire Xaashi ayaa uga mahadceliyey Dawladda Switzerland sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay JFS, Kulanka…
-

WAR-SAXAAFADEED Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelineysa Dawladda iyo shacabka Madagascar
WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, Soomaaliya – Diseembar 3, 2024. Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelineysa Dawladda iyo shacabka Madagascar, gaar ahaan kalluumeysatada ku dhow Jasiiradda Nosy Iranja, dadaalka geesinimada leh ee ay u galeen soo badbaadinta 47 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku qalibantay labo doonyood 23-kii November, 2024. Dhacdadan ayaa galaaftay nolosha dad badan…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ka qeyb galay shirka 11-aad ee Nabadda iyo Amniga Afrika
Oran, Algeria – Diseembar 1, 2024. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka qeyb galay Shirka 11-aad ee Nabadda iyo Amniga Afrika. Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa intii uu socday shirka waxaa uu kulan laba geesood ah la qaatay H.E. Axmed Attaf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Jaaliyadaha dibadda,…
-

Soomaaliya iyo Faransiiska oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dhinac
Paris, France, 28 November 2024 – Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Danjire Yoonis Xaashi, Agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika, iyo Masuuliyiin kale ayaa la kulmay Mudane Thani Maxamed Soilihi, Wasiiru-dawlaha Faransiiska ee Francophonie iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kulanka ayaa lagu faaqiday…
-

WAD & IC oo u dabaal degtay Sannad-Guuradii 25aad Ee EAC
Muqdisho, Somalia | November 29, 2024 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u dabaal degtay Munaasabada sanadguurada 25-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ururka Bulshada Bariga Afrika, munaasabada ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa Ka qeyb galay masuuliyiin uu ugu horeeyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Mudane Xamse Aadan…
-

WAD & IC Xustay Sannad-guuradii 25-aad ee EAC .
Muqdisho, Somalia | November 29, 2024 Xoghayaha Joogtada ee Wasaaaradda Mudane Xamse Aadan Xaadow oo ay wehliyaan Agaasimaha Isdhexgalka Dhaqaalaha EAC ee Wasaaradda Mudane Axmed Warsame & Agaasimaha Qurbajoogta iyo Howlaha guud Mudane Ibraahim Guure, iyo qaar ka tirsan shaqaalaha wasaaradda ayaa Ka qeybgalay Ollalaha dhiig bixinta oo qeyb ka ah munaasabadda xuska sanadguurada 25-aad…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka Qaybgalay Xuska 25-guurada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka Qaybgalay Xuska 25-guurada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) Arusha, Tanzania Nofeembar 28, 2024. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyas Ali Hassan, ayaa hoggaamiyay ka-qaybgalka Soomaaliya ee xuska 25-guurada Ururka Bulshada Bariga…
-

WAD & IC oo Xustay Sannad-guuradii 25-aad ee EAC.
WAD & IC oo Xustay Sannad-guuradii 25-aad ee EAC. Muqdisho, Somalia | November 29, 2024 Xogahayaha Joogtada wasaaaradda Mudane Xamse Aadan Xaadow oo ay weheliyaan Agaasimaha Isdhexgalka Dhaqaalaha EAC ee Wasaaradda Mudane Axmed Warsame & Agaasimaha Qurbajoogta iyo Howlaha guud Mudane Ibraahim Guure iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa Ka qeybgalay Ollalaha Cagaareynta wasaaradda oo…
-

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka caadiga ah ee 46-aad ee Golaha Wasiirada EAC.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka caadiga ah ee 46-aad ee Golaha Wasiirada EAC. Arusha, Tanzania – Nofembar 28, 2024 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Soomaaliya ku matalay shirkii caadiga ahaa ee 46-aad ee Golaha Wasiirada Dalalka Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada…
-

DANJIRAHA SOOMAALIYA EE UGANDA OO NUQUL KA MID AH WARAAQAHA DANJIRENIMO U GUDBISAY WASIIRU DOWLADAHA ARRIMAHA DIBADDA UGANDA.
Kampala 28 Nofembar 2024: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Fardowso Maxamed Qanyare ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqadaha danjirinimo u gudbisay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Uganda Hon. Okello Henry Oryem. Munaasabad kooban oo maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Uganda ayaa waxaa looga hadlay xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda iyo…