Author: mfa Somalia
-

Kobcinta Fursadaha Maalgashiga iyo Ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa la kulmay Eng. Khalid bin Abdulaziz Al-Falih, Wasiirka Maalgashiga ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan dhiirrigelinta fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee Soomaaliya u soo bandhigeyso maal-gashadayaasha Sacuudiga. Wadahadalladu waxay muujiyeen awooda dhaqaale ee Soomaaliya iyo faa’iidooyinka labada dal ka heli karaan iskaashi xooggan oo…
-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Guul Ka Gaartay Soo Celinta 191 Dhalinyaro Soomaali ah oo ku Xayirnaa Libiya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Guul Ka Gaartay Soo Celinta 191 Dhalinyaro Soomaali ah oo ku Xayirnaa Libiya. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa hoggaamiyay soo celinta guulaysatay ee 164 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xayirnaa dalka Libiya, iyadoo loo marayo barnaamijka soo celinta Ikhtiyaariga ah…
-

Somaliya waxay cambaareysay weerarka argagixisanimo ee lagu qaaday Warshadaha Diyaaradaha Turkiga( Turkish Aerospace Industries
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u canbaaraynaysaa weerarka argagixiso ee foosha xun ee lagu qaaday Turkish Aerospace Industries (TUSAS) ee Kahramankazan, Ankara, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibbanayaasha, annagoo garab taagan shacabka iyo dowladda Turkiga xilligan adag. Weerarkan arxandarrada ah ma ahan oo kaliya mid…
-

Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse
Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse Danjire Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa caawa kulan wax ku ool ah la qaatay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Mudane Abshir Cumar Huruuse. Labada mas’uul ayaa wadahadallo miro-dhal ah ka yeeshay horumarinta dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka kooban safiirro matalaya dalal dhowr ah oo walaalo nahay
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka kooban safiirro matalaya dalal dhowr ah oo walaalo nahay. Safiirrada waxaa ka mid ahaa Mudane Fadhl Cali Axmed Al-Hanak, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen; Mudane Axmed Jumca Al-Rumaithi, Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta; Mudane Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nuaymi, Safiirka…
-

Safiirka Turkiga oo u Tacsiyeeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, kadib Geeridii ku timid Hooyadiis
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta ku qaabilay xarunta Wasaaradda, Mudane Alper Aktaş, Safiirka Jamhuuriyadda walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjire Aktaş ayaa u yimid si uu shakhsi ahaan ugu muujiyo tacsidiisa qalbiga ka…
-

Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku-xigeenka, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha, iyo dhammaan Hawlwadeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mogadishu (MFA) – Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku-xigeenka, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha, iyo dhammaan Hawlwadeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Mudane Wasiir Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo qoyskiisa oo ay ka geeriyooday hooyo Faadumo Shirdoon Ducaale, oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho subaxnimadii saaka,…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo qaabilay Ku-simaha Safiirka Suudaan
Mogadishu (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Mudane Ammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya. Kulanka waxa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan. Labada dhinac waxay…
-

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay safiirka Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern, xarunta Wasaaradda
Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay safiirka Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern, xarunta Wasaaradda. Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka amniga, xuquuqda aadanaha, iyo taageerada Sweden ee madaxbannaanida Soomaaliya. Danjire Fiqi wuxuu xusay guulaha wadahadalada saddex geesoodka ah ee Asmara, gaar ahaan horumarinta awoodda ciidanka Soomaaliya. Safiirka Sweden ayaa bogaadiyay…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan kula yeeshay Danjire Wang Yu, safiirka Shiinaha
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan kula yeeshay Danjire Wang Yu, safiirka Shiinaha, xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Safiirka ayaa ugu horrayn ugu hambalyeeyay Wasiirka dadaalkiisa ku aaddan difaaca madaxbannaanida Soomaaliya wuxuuna sheegay in Shiinuhu uu garab taagan yahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale…