Author: mfa Somalia
-

Soomaaliya iyo UNDP oo ka wadahadlay istiraatiijiyadaha qaran ee horumarka hey’adaha dowladda iyo dhaqaalaha dalka
Muqdisho (MFA Somalia) – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta oo talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Kaaliyaha Maarreeyaha UNDP, ahna Agaasime goboleedka UNDP ee wadamada Carabta, Dr. Abdallah Al Dardari, isaga oo kala hadlay sare-u-qaadidda ka wadashaqaynta barnaamijyada horumarinta…
-

Machadka Diblomaasiyadda oo qabtay maanta dood cilmiyeed ku saabsan xaaladda diblomaasiyadda Soomaaliya
Muqdisho (MFA Somalia) – Dood cilmiyeed ku saabsan “Diblomaasiyadda Soomaaliya iyo ka jawaabisteeda caqabadaha heer goboleed iyo Caalami” oo maanta lagu qabtay xarunta Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababbarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa lagu soo bandhigay waayihii taariikheed ee diblomaasiyadda dalka ay soo martay iyo caqabadaha ay wajahday heer gobol iyo caalami. Agaasimaha…
-

Machadka Diblomaasiyadda oo qabanaya dood cilmiyeed ay ku marti yihiin labo danjire
Muqdisho (MFA Somalia)– Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababbarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa beri subax ku qabanaya xaruntiisa dood cilmiyeed ku saabsan “Diblomaasiyadda Soomaaliya iyo ka jawaabisteeda caqabadaha heer Goboleed iyo Caalami”. Dooddan ayaa ku marti ah Danjire Daahir Maxamuud Geelle iyo Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere. Agaasimaha cusub ee Machadka Diblomaasiyadda, Maxamed…
-

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo iskaashi
Baku (MFA Somalia) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev, ayaa maanta ku kulmay magaalada Baku, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal. Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday horumarinta xiriirka Labada dal, iyada oo diiradda la saarray…
-

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wadahadlay soo banbixinta fursadaha iskaashi
Addis Ababa (MFA Somalia) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, oo ka qeybgalaya shirka Golaha fulinta Midowga Afrika ayaa maanta oo Talaado ah kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Ahmed Attaf, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jaaliyadaha Qaran ee Dibadda iyo Arrimaha Afrika ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Shacbiga Aljeeriya, isaga oo kala hadlay…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay iskaashiga istiraatiijiyadeed Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay, wafdi Turki ah oo uu hoggaaminayay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Prof. Burhanettin Duran, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashi istiraatiijiyadeed, laguna…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Shiinaha siyaabaha iskaashiga lagu xoojin karo
Muqdisho (MFA Somalia) –Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Wang Yu, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo dhinaclaha iyo qoto-dheereynta iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah. Dhowr arrimood oo muhiim ah ayaa la iskula soo hadal-qaaday…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay iskaashi wadaagga Siihayaha Safaaradda Norway
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Boqortooyada Norway ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Carsten Carlsen, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashiga labada dal ee…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo casho sharafeed ku maamuusay wafdiga Azerbaijan
Muqdisho (MFA Somalia)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Caasimadda Muqdisho wafdiga Azerbaijan ee booqashada ku jooga dalka oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Yalchin Rafiyev, tani oo caddayn u ah xiriirka diblomaasiyadeed ee kobaca samaynaya ee u dhexeeya labada dal. Booqashada wafdiga…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka digay halista maarayn xumida biyaha ka gudba soohdimada
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa sheegay caqabadaha ka dhalan kara ku takri falka kheyraadka biyaha ee xuduuda isaga gudba, isagoo ka digay inay keeni karto amni darro iyo inuu xumaado xiriirka ka dhaxeeya dalalka. Wasiirka oo hadal ka jeedinayay maanta aqoon isweydaarsi ku saabsan…