Author: mfa Somalia
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo dhinaclaha Kuxigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Miudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Yalchin Rafiyev, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashi wadaagga labada dal ee walaalaha ah. Intii kulanka…
-

Wasiir Axmed Fiqi oo ka dhagaystay warbixin Guddoomiyaha SoDMA oo ku saabsan abaaraha taagan iyo isku duwidda taageerro caalami ah
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, isaga oo kala hadlay abaaraha taagan iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee daran ee ku xeeran. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay wadashaqaynta Wasaaradda iyo hay’adda,…
-

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ku soo dhoweeyay Muqdisho wafdi ka socda Azerbaijan
Muqdidsho (MFA Somalia) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa Gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho ku soo dhoweeyay maanta wafdi rasmi ah oo ka socda Dowladda Azerbaijan oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Yalchin Rafiyev. Wafdiga Azerbaijan inta ay dalka joogaan, waxaa qaabili…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta sagootiyay Safiirka Indonesia ee muddo xileedkiisa shaqo uu ka idlaaday
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah sagootiyay Safiirka Indonesia oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday, isaga oo bogaadiyay dadaalkiisa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Safiirka kaalintiisa xoojinta xiriirka labo geesoodka, isaga oo guul u rajeeyay…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Turkiga Istiraatiijiyado iskaashi aad u qoto dheer oo labada dal ay yeeshaan
Muqdisho (MFA Somalia)–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga, Alper Aktaş, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, horena loogu dhaqaajin karo dano…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa soo gebagebeeyay kulan shaqo oo hal maalin ah oo ay yeesheen mas’uulyiin iyo khubaro tiradoodu dhammayd lixdameeyo
Mogadishu (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa soo gebagebeeyay kulan shaqo oo hal maalin ah oo ay yeesheen mas’uulyiin iyo khubaro tiradoodu dhammayd lixdameeyo qof, kuwaas oo ka kala socday hey’adaha dawladda Federaalka ah iyo laamaha Qarammada Midoobay ee ka hoowlgala Soomaaliya. Shirka oo ay wadajir u soo qaban qaaabiyeen…
-

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo booqasho ku tagay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo dayactir xooggan uu ka socdo
Dar es Salaam (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo ay wehliyaan Safiirka Safaaradda JFS ee Dalka Tanzania , Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Villa Somalia), Md. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa booqasho u kuurgalid ah ku tagay dhismaha safaaradda…
-

Soomaaliya iyo Tanzania oo seddex heshiis ku kala saxiixday Daarasalaam
Dar es Salaam (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kula saxiixday seddex heshiis Wasiirka Warfaafinta, Hiddaha, Dhaqanka iyo Cayaaraha ee dalka Tanzania, Hon. Prof. Palamagamba John Aidan Mwaluko, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi, Hon. Innocent Lugha Bashungwa. Heshiisyada saxiixa lagu…
-

Safiirka Soomaaliya ee Ruushka oo laga guddoomay nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo
Moscow (MFA Somalia) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Ruushka, Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, ayaa gelinkii dambe ee shalay oo Khamiis ahayd (23 January), nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ahna Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe, Mudane Mikhail Bogdanov. Safiirka ayaa…
-

Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo tababbar u furmay maanta
Muqdisho (MFA Somalia) – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta daahfuray tababbar muddo shan cisho soconaya oo ku saabsan Maskaxda Macmalka (Artificial Intelligence) iyo teknoolojiyadda casriga ah oo ay ka faaidaysanayaan agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda. Tababbarkani oo uu casharrada ka bixinayo Dr. Ciise Guuleed, aas’aasaha Eurosom, ayaa ah…