Category: Soomaaliya
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo qaabilay Ku-simaha Safiirka Suudaan
Mogadishu (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Mudane Ammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya. Kulanka waxa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan. Labada dhinac waxay…
-

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay safiirka Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern, xarunta Wasaaradda
Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay safiirka Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern, xarunta Wasaaradda. Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka amniga, xuquuqda aadanaha, iyo taageerada Sweden ee madaxbannaanida Soomaaliya. Danjire Fiqi wuxuu xusay guulaha wadahadalada saddex geesoodka ah ee Asmara, gaar ahaan horumarinta awoodda ciidanka Soomaaliya. Safiirka Sweden ayaa bogaadiyay…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan kula yeeshay Danjire Wang Yu, safiirka Shiinaha
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan kula yeeshay Danjire Wang Yu, safiirka Shiinaha, xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Safiirka ayaa ugu horrayn ugu hambalyeeyay Wasiirka dadaalkiisa ku aaddan difaaca madaxbannaanida Soomaaliya wuxuuna sheegay in Shiinuhu uu garab taagan yahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale…
-

War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Shir Madaxeedka Saddex-geesoodka ah
Ayadoo laga duulayo martiqaadka uu fidiyey Madaxweynaha dalka Ereteriya, Mudane Isaias Afwerki, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Abdel Fattah El-Sisi, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Oktoobar 2024, magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya, kulan uu ku dhexmaray madaxweynayaasha saddexda dal. Shir madaxeedkoodii…
-

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ayaa qaabilay safiirka dowladda walaalaha nahay ee Qatar ee Soomaaliya
Muqdisho, (MFA Somalia) – Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda walaalaha nahay ee Qatar u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi. Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa la falanqeeyay xiriirka labada dal ee dhinacyada kala…
-

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo kaashanaysa Bankiga IBS
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo kaashanaysa Bankiga IBS, ayaa si guul leh u qabatay casho sagootin ah oo lagu qabtay Hotelka Safari, loona sameeyay safiirrada iyo diblomaasiyiinta cusub ee ka qalin jabiyay Machadka Tababarka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Munaasabadda waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Goboleedka ee UNDP
Muqdisho, (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Marina Walter, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Goboleedka ee Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyo wafdi ay hoggaaminaysay. Kulankan, labada dhinac waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isuduwidda wadajirka…
-

Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo uu Wehliyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa Ka Qaybgalay Soo Gabagabeynta Tababarka Safiirada Cusub iyo Saraakiisha Diblomaasiyadeed
Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo uu Wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cali Balcad, ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay tababarka diblomaasiyadda ee loogu talagalay safiirada cusub iyo saraakiisha diblomaasiyadeed. Barnaamijkan, oo ay ka qeyb galeen 12 safiir iyo 21 sarkaal oo diblomaasiyadeed, ayaa lagu soo gabagabeeyay bixinta…
-

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cade
Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cade, kadib safar howla shaqo ah oo uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, Munaasabadda soodhaweyta ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah Mudanayaasha Labada Aqal ee Baaralamaanka J.F.S, Xog-hayaha joogtada ee wasaaradda, Danjireyaal, Agaasimeyaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda, Qaar ka mid ah…
-

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadow
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan wada-tashi oo ay ka qayb galeen Guddi Sare oo heer Wasaaradeed oo Wadajir ah. Guddigan oo ah mid farsamo ayaa ka koobnaa Agaasimeyaal Guud oo ka kala socday wasaaradaha kala ah: Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Maaliyadda, Waxbarashada,…