Category: Soomaaliya
-

“Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa u hambalyeeyay WAD Slovenia Tanja Fajon guushiisii madaxtinimada UNSC
“Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa u hambalyeeyay WAD Slovenia Tanja Fajon guushiisii madaxtinimada UNSC, ugana mahadceliyay taageerada ay siisay Soomaaliya. Slovenia waxay xaqiijisay madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somalia. #Slovenia”
-

“Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Moallim Fiqi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 40-aad
“Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Moallim Fiqi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 40-aad ee ku biirista Brunei Darussalam ee Qaramada Midoobay. Munaasabadda oo uu martigeliyey Boqor Xassanal Boolkiyah ayaa ka dhacday New York, intii lagu guda jiray shirkii #UNGA79.”
-

War-Saxaafadeed: Soomaaliya oo Aad Uga Walwalsan Shixnad Hub
Muqdisho, (MFA Somalia) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan u aragtaa mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya,…
-

Wasiir Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Jaaliyadda
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiir Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Holland iyo wafdigiisa. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga udhaxeeya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay muujisay diyaar garow buuxa oo ku aaddan difaaca badda Soomaaliya iyo ladagaalanka argagixisada…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ka qayb galay xafladda daah-furka Golaha Safiirada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
Muqdisho, (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ka qayb galay xafladda daah furka Golaha Safiirada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah Safiirada Dalalka Jaamacadda Carabta ee u jooga Soomaaliya. wasiirku ayaa mahad naq u jeediyay Danjire…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya
Muqdishu (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Jamhuuriya tababarka la xiriira xirfadda culuumta kombiyuutarka oo ay jaamacaddu taabbagelisay, ka faa’iideysteenna qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda. Ujeedka tababarka ayaa ahaa in sare loo…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mike Nithavrianakis, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliso Mrs. Alison Blackbourne, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Badda Cas iyo Geeska Afrika. Intii uu socday kulanka, waxaa…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Ku soo dhaweeyay
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Ku soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde, Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Xog-hayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu, wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda sare Dalka. Ujeedka safarka ee Dr. Workneh Gebeyahu Xog-hayaha Urur Goboleedka IGAD, ayaa waxa…
-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo ah Sabti, kulan duco ah u qabatay Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud , oo xilalka Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha ka soo kala qabtay Dawladihii milatariga iyo kuwii ku-meel-gaarka ee dalka, isagoo ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia , Talaadadii…