Category: Wararka Wasaaradda
-

Wasiir Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Jaaliyadda
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiir Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Holland iyo wafdigiisa. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga udhaxeeya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay muujisay diyaar garow buuxa oo ku aaddan difaaca badda Soomaaliya iyo ladagaalanka argagixisada…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ka qayb galay xafladda daah-furka Golaha Safiirada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
Muqdisho, (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ka qayb galay xafladda daah furka Golaha Safiirada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah Safiirada Dalalka Jaamacadda Carabta ee u jooga Soomaaliya. wasiirku ayaa mahad naq u jeediyay Danjire…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya
Muqdishu (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Jamhuuriya tababarka la xiriira xirfadda culuumta kombiyuutarka oo ay jaamacaddu taabbagelisay, ka faa’iideysteenna qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda. Ujeedka tababarka ayaa ahaa in sare loo…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mike Nithavrianakis, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliso Mrs. Alison Blackbourne, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Badda Cas iyo Geeska Afrika. Intii uu socday kulanka, waxaa…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Shir Guddoomiyay Doorashada Guddiga Goob Shaqo ee Wasaaradda
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay shirka Doorashada Guddiga Goob Shaqo ee ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Doorashadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa gacan ka geystay xubno ka socda Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka iyo Agaasinka Waaxda Shaqada…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Ku soo dhaweeyay
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Ku soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde, Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Xog-hayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu, wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda sare Dalka. Ujeedka safarka ee Dr. Workneh Gebeyahu Xog-hayaha Urur Goboleedka IGAD, ayaa waxa…
-

Qaahira, 11 September, 2024 –
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Booqasho kormeer ah ku tagay Safaaradda J.F.S ee Caasimadda Qaahira, Wasiirka ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee baaxadda leh ee Safaaraddu u hayso Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wasiirku waxaa uu kulan wadareed la qaatay Diblomaasiyiinta iyo howl wadeennada kale ee Safaaradda, isagoo warbixin dhinacya…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka qaybgalay Shirka Jaamacadda Carabta
Qaahira, – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, iyo Wafdi uu hogaamanaayo ayaa maanta ka qaybgalay meertada 162aad ee shirka Golaha Jaamacadda Carabta Heerkiisa Wasiir Arrima Dibadeed, Shirkan oo ka qabsoomay Xarunta dhexe ee Jaamacadda Carabta kuleedahay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar. Shirka ayaa waxaa aad loogu faaqiday Xaaladihii…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo gaaray Caasimadda Dalka Masar ee Qaahira
Qaahira, – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah gaaray Caasimadda Dalka Masar si uu uga qaybgalo Shirka 162aad ee Golaha Jaamacadda Carabta Heerkiisa Wasiirada. shirka ayaa waxaa intiisa badan diiradda Lagu saari doonaa Arrimaha Amniga, Xasiloonida iyo Horumarka Dhaqaalaha Dalalka Carabta.
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xiriirka labo geesoodka kala hadlay Siihayaha Safaaradda Suudaan
Muqdisho (MFA) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Suudaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ammar Ahmed Abikar, oo uu kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee salka adag ee labada dal ee walaalaha ah u…